|

Idaacada Codka gobolada dhexe oo tababar u furtay saxafiyiin badan.

Cadaado:-Idaacada codka gobolada dhexe ee xarunteedu tahay magaalada Cadaado ee caasimada Ximan iyo Xeeb ayaa waxa ay tababar saxaafadeed u bilowday ku dhawaad 40-dhalinyaro ah oo Rag iyo Dumar isugu jira, kuwaasi oo qaadan doono koorsooyin saxaafadeed oo bilo socon doona.

Ka dib xaflad balaaran oo lagu qabtay shalay galab xarunta maamulka dagmada Cadaado ayna ka soo qayb galeen madax ka tirsan Ximan iyo Xeeb sida Afhayeenka maamulka ahna milkiilaha Idaacada codka gobolda dhexe, Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha C/llahi macalin Cabdi, Gudoomiye ku xigeenka gobolka Ximan C/llahi Cumar, Gudoomiyaha dagmada Cadaado Axmed Salaad, maamulka Idaacada iyo dadwayne aad u badan ayaa daaha looga rogay tababarkan saxaafadeed ee  loo samaynayo dhalinyaradan doonaysa inay saxaafada ku soo biiraan.

Madaxda maamulka Ximan iyo Xeeb ee goobtaasi ka hadlay ayaa waxa ay aad u soo dhaweeyeen tababarkan, iyadoo ay sheegeen inuu yahay mid muhiim u ah deegaanka islamarkaana sara u qaadi kara kaalinta saxaada.

Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb ahna milkiilada Idaacada codka gobolada dhexe oo tababarkan si gaar ah isugu soo duba riday ayaa waxa uu xafladaasi ka sheegay in Idaacada codka gobolada dhexe ay u taagan tahay sara u qaadida saxaada gobolada dhexe, waxaana uu dhalinyarada tababarkan loo furay kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan fursadan.

Qaar ka mid ah dhalinyarada tababarkan loo furay ayaa waxa ay soo dhaweeyeen fursadan tababarka loogu furay, waxaana ay rajeyeen inay ka miro dhalin doonaan hadafkooda.

Inkastoo tababaro saxaafadeed ay dhawr mar qabatay Idaacada codka gobolada dhexe ayaa tababarkan waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee dad intaasi la eg ay ka qayb qaataan.

Xafiiska Galobalnews ee Cadaado

 


Short URL: http://galobalnews.com/?p=947

Posted by on Jan 15 2012. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • mahad: Asc walal runtii waa u mahad celinaya shacabka ximan iyo xeeb waana ku faraxsanahay doorshada lakin si fiican...
  • Abdisalam: asc waa wax aad u wanaagsan in aan helno meel aan kala socono xaalada doorashada ama aan dheheen aan...
  • kulane: asc runtii waxaan siweyn halkaan uga mahad celinaya allaha weyn ee wanagan maanta lasku dooranayo nasiyay...
  • Mahat Nor: Aad ayan ugu farax sanahay iney cadado ear ka jirto campaign doorasho. Waxaan rabaa oo kale inan u Mahad...
  • cise: waxan ku talinayaa hadaan nahay ardayda somaliyeed inaan wax qorno waxna aan aqrino naguma fila hormarna kuma...